Friday, April 19, 2024

Kalluumeysato kasoo jeeda dalalka Iiran iyo Pakistan oo lagu xukumay Ganaax Lacageed

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa 36 qof oo kalluumeysato oo ajaanib ah lagana soo qabtay xeebaha dalka Soomaaliya ayagoo si sharci darro ah uga kalluumeysanaya ku ridday xukunnadii ay muteysteen.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku xukuntay inuu midkiiba bixiyo midkiiba lacag 11 kun oo dollar oo ganaax ah iyo 30 kun Dollar oo ah magdhow kalluunkii ay Soomaaliya ka qaateen ah, waxay kaloo Maxkamadda la wareegtay Doomihii iyo qalabkii kalluumeysi ee saarnaa.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay Kalluumeysatadan ay hore Kalluun uga qaateen dekadda Boosaaso kuna dejiyeen Magaalada Salalah ee dalka Cumaan, kaasoo ka mid ahaa ganaaxa lagu qaaday kalluumeysatadan.

Ad

Kalluumeysatada ayaa qaarkood ay heshiis la galeen dhinacyo Soomaaliyeed, sida maamulka Puntland, balse maxkamadda ay diiday in ruqsadaasi ay waafaqsan tahay sharciyadda dalka.

Waxaa hore maxkamadda ay u xaraashtay Kalluunkii saarnaa labada Doonyood oo Maxkamaddu la wareegtay, waxayna ahayd dacwadii ugu horeysay ee nooceeda ah oo lagu qaado Maxkamada Gobolka Banaadir dhowaanahan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON