Wednesday, June 25, 2025

Xukun lagu riday Weriye u shaqeynayey Warbaahinta Alshabaab oo hore ay NISA usoo bandhigtay.

Maxkamadda Darjada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukunno kala duwan ku riday Rag lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa eedeysane ay Hay’adda NISA hore u soo bandhigtay.

Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisa afgarashada kala yihiin: Tabliiq iyo Luqmaan ayaa 28 Ogost 2019 laga qabtay degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir, iyadoo ay markaasi NISA baahisay muuqaalkiisa, kuna eedeysay inuu u shaqeyn jiray warbaahinta Alshabaab.

Maxkamadda horteeda waxaa lagu soo oogay ka mid ahaanshaha Al-Shabaab iyo in uu si gaar ah ugu ahaa wakiil wareed mid kamid ah warbaahinta ku hadasho Afka Alshabaab. Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada weydiistay in eedeysanaha loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan 10-kii December sanadkii tegay.

Xasan Luqmaan oo fursad loo siiyay in uu ka hadlo fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay inuu ka shaqeyn jiray kaliya ka warbixinta dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqyada Muqdisho si gaar ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda u gudbiyey farriimo maqal iyo qoraal isugu jira oo muujineysa howshiisa wardoonimo oo uu shirkadda kula ahaa Al-Shabaab, sida lagu sheegay War kasoo baxay Xafiiska Maxkamadda Ciidamada.

Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay kiiskan, waxaana lagu xukumay 8 sano oo xabsi ciidan ah sida uu shaaciyey Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Dhinac kale eedeysanayaasha Cabbduqaadir Suufi Muunye iyo  Saciid Cumar Cabbdullaahi, ayey maxkamaddu ku heshay inay Al-shabaab wakiil uga ahaayeen tuulada Mareeray oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose; waxaana lagu xukumay min 10 sano oo xabsi ciidan ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON