Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqday in gebi ahaan la joojiyay muxaadaradii maalinta Berri oo Axad ah uu garoonka kubadda cagta Eng. Yiriisow ku qaban lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
Qoaal kasoo baxay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in Wasaaradda ay mas’uul ka tahay arrimaha diinta ee dalka, waxayna Sheekh Maxamed Cabdi Umal uga mahadcelisay gurmadka fatahaadda hoggaaminayey iyo khudbadii uu ka jeediyey Masjidka Isbaheysiga islaamka, iyadoo nasiib darro ku tilmaantay in tashwiish lagu furo qabada muxaadaradii cinawaankeedu ahaa: “Asbaabaha keena Musiibooyinka iyo sida looga hortago”.
“Wuxuu Sheekhu soo jeediyey isagoo tixgelinaya duruufaha ku xeeran muxaadarada in la baajiyo, wasaaradana way ku waafaqday soojeedintaas” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya.
HOOS KA AKHRISO


Goordhawna waxaan idiin soo gudbin doonaa wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta oo ka hadlaya joojinta muxaadarada.