Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay qorshaha u degsan sanadka cusub ee 2018 ee ay doonbeyso inay fuliso.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya EC/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya sanadka cusub ee 2018-ka qorsheyneyso iney ku talaabsato horumaro oo shacabka Soomaaliyeed ay u riyaaqi doonaan.
Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in sanadka 2018-ka u qorsheysan tahay Dowladda Soomaaliya hirgelinta nidaamka doorashooyinka sida shuruucda, xisbiyada, doorashooyinka dawladaha hoose, dib u eegista dastuurka iyo dhammaan arrimaha hagaya in doorashooyin hal cod iyo hal qof ay dhacaan 2020ka.
Wuxuu kaloo wasiirku ka hadlay waxyaabihii u qabsooma xukuumadda SoomaaliyaSanadkii dhamaaday ee 2017, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Amniga, Maamulka Maaliyada, Dib u eegista Dastuurka, Diyaargarowga doorashooyinka, Wadashaqeynta Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah & G/Benaadir, isku xirka shacabka iyo Dawladda, horumarinta warbaahinta, isla xisaabtanka, ansixinta 15 shuruucda muhiimka ah, soo celinta maamulka hawada, is-dhexgalka bulshada, siyaasada dhalinyarada, horumarinta cayaaraha iyo arrimo fara badan baan ku guuleysanay 9-kii bilood ee Xukuumadu jirtey.