Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda amniga magaalada iyo bannaanbaxa Musharixiinta Mucaaradka ay qabanayaan Muqdisho Berri oo Sabti ah.
Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraa’id qabtay qoor dhoweyd ayuu ku shaaciyey in dowladu soo jeedisay in bannanbaxa lagu qabto meel ka baxsan Daljirka Dahsoon, ayna ogoladay dowladda, balse markii farsamada loo gudbay oo ah sida loo qabanayo ay ku adkeysteen inay Goobta ammaanka la wareegaan, ayna ku adkaatay dowladda.
“Farsamadaas Amniga waa la isku khilaafay… iyadoo sidaasi jirto ayay garteen inay joojiyeen.. ma ogolaan karno bannaanbax aanay amnigiisa sugeynin dowladda.. Waxay dalbadeen inay Amniga sugtaan oo muddo 300 Mitir loo gooyo..” ayuu yiri Wasiir Xasan Xundubey oo caddeeyay inay ogolaan karin mudaaharaad.
