Sunday, July 13, 2025

Xukuumadda oo War cusub kasoo saartay Bannaanbaxa Mucaaradka iyo Goob ay dooneysay in loo wareejiyo

War Saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda xilgaarsiinta ee Federaalka ayaa fartay bannaanbaxayaasha inay ilaaliyaan Af-xirashada, ayna kala fogaadan.

Warka cusub ee xukuumadda ayaa lagu sheegay iyadoo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon.

“Bilowgii, Xukuumaddu waxay u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Stadiyoom si loo xaqiijin karo habraacyada xakamaynta COVID-19 ee waajibka ah, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray waxay ogolaatay dalabkii mucaaradka” ayaa algu yiri war-saxaafadeedka xukuumadda.

Xukuumaddu waxay fartay qaban qaabiyayaasha mudaharaadku in ay dibad baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada afxirka iyo kala fogaanshaha.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii uu galabta socon waayey dalab ka yimid Guddiga dhinaca xukuumadda oo dalbaday in bannaanbaxa loo wareejiyo Garoonka Yariisow( ex. Koonis) kulankii ay yeesheen guddiyadaii laabda dhinac ee xukuumadda iyo Midowga Musharixiinta.

May be an image of text

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON