Xukuumadda Soomaaliya ayaa amar is-diiwaangelin ah ku soo rogtay Hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, iyadoo amar culus uu kasoo baxay Wasiirka Qorsheynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.
Shir wadatashi ah oo maatna ka dhacay magaalada Muqdisho oo la sheegay in lagula xisaabtamayo Hay’daha NGO-yada Caalamiga ah ee mashaariicda ka fuliyo Soomaaliya ayuu wasiirku ka sheegay Amar ah in Hay’adaha fadhigooda yahay dalka Kenya ay u soo guuraan Soomaaliya, ayna shaqaaleysiiyaan muwadiniinta Soomaaliyeed.
“Sababta aan ula shirnay waxay tahay in aan uu sheegno in dawladda Soomaaliya ay rabto hay’adaha caalmiga ee mashaaricada ka shaqeeyo inay Soomaaliya joogaan, inay qortaan shaqaale Soomaaliyeed, canshuurtana ay bixiyaan” ayuu yiri Wasiir Jamaal oo caddeeyay in hay’adaha aan xarumahooda ka dhigan gudaha dalka, ay kala noqonayaan Ruqsada wixii laga bilaabo 1-da Janaayo 2019, isaggoo faray dhammaan hay’adaha caalamiga ah in sanadka cusub ay dhaqan galiyaan amarrada la faray.
“Waa dhammaatay in hay’addaha sanadka cusub dalka dibadiisa ay kusii shaqeeyaan, dawladda Soomaaliya lama shaqeeyn doonto haddii dalka gudagiisa aysan ku shaqeyneynin, waxyna kala noqon doontaa ruqsada shaqada” ayuu yiri Wasiirku.