Tuesday, June 24, 2025

Xukuumadda Somalia oo beenisay in xilka laga qaaday Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka.

Xukuumadda Somalia ayaa beenisay in Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud C/qaadir Hilaal shaqada laga joojiyey, sida lagu sheegay qoraal baahiyey Qoraal baraha bulshada.

War kasoo baxaya Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay inay been abuur tahay warqadda Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka, isla markaana dowladda Soomaaliya ay dabagal ku heyso dadka wararka beenta ah ku faafiya baraha Bulshada.

Warka xil ka qaadista Wasiir ku- xigeenka ayaa lagu soo beegay kadib markii uu soo saaray qoraal uu shaqada uga joojiyey Agaasimihii guud ee wasaaradda Macdanta iyo Bartoolka Karaan Shukri Dhoomey [Akhriso Warkan].

Qoraalada been abuurka ay ayaa si weyn saameyn ugu yeeshay baraha bulshada, iyadoo ay soo baxeen kooxo aan oo been abuura qoraallada madaxda iyo wasaaraha kala duwan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON