Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho kadib markii wafdigii madaxweynaha ee tegay dalka Eritrea oo uu ka mid ahaa ay ku soo laabteen Muqdisho.
Wasiirka oo markii labaad ka hadlay arrinta safarka madaxweyne Farmaajo ee Eritrea iyo wadahadalka dhex maray madaxda ururka ONLF, ayaa Muqdisho ka sheegay inay la wada kulmeen madaxda ONLF, isla markaana mowqifka dowladda uu yahay kan uu gaaray Baarlamaanka.
Wasiirka Warfaafinta ayaa qiray inay isku hareen oo kulan gaara ay yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo madaxdii ONLF, laakiin mowqifkoodu yahay kii Baarlamaanka, waxaana arrintaasi u muuqataa inay xukuumadda kasoo horjeedo raaligelin la siiyo ONLF, inkastoo shaki ka jiro doorka uu ciyaarayo madaxweynaha Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO