Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inaan la aqbali doonin dib udhac ku yimaada Doorashada madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Qoraal goor dhow kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya ayay ku sheegtay in iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ay fareyso Madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedku ku qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17-ka November 2018-ka.
“Muddada xil-hanyta maamulka hadda ka jira ee Koofur Galbeed waxay ku egtahay 17-ka November 2018, lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo..” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.
Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.