Tuesday, July 1, 2025

Xukuumadda Somalia oo Warbixin kasoo saartay Gurmadka socda & Cabsi laga qabo Roob… [Akhriso]

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saartay xaaladda gurmadka fatahaadda iyo cabsida laga qabo roobabka deyrta oo la filayo inay ka da’aan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xaaladaha guud iyo Gurmadka Socda

Sida ku ay sheegeyso Hey’adda (SWALIM), Saadaasha roob ee toddobaadka xiga waxey muujineysaa in ay roobabku sii socon doonaan qeybo badan oo ka mid ah dalka iyo sidoo kale dhulka sare ee Itoobiya.

Markasta oo dhulka saree e Itoobiya roobabka ku badan yihiin, waxaa aad u sarreysa qatarta fatahaad ee labada Webi ee dalka.

 Heerka qattarta ee fatahaad markale uu sameeyo Webiga Shabeelle ayaa aad u sarreysa toddobaadka xiga

 Baladweyne, maalmihi koobnaa ee la soo dhaafay biyaha ku butaacay Magaalada yaa bilaabay in ay dib ugu soo noqdaan Webiga taas oo keentay in woxooga biyaha webiga ay kor u kacaan ayna kororto xowliga qulqul ee Webiga.

Sidaasi darted sii socodka Deyrta, iyo saadaasha roobab ee laga soo tabinayo Itoobiya Waxey tusineysaa in qattarta fatahaad labaad ay isa soo tareyso todobaadka xiga.

 Roob ayaa ka da’ay magaalooyinka kale ee Hiiraan sida Buula Burte iyo Jalalaqsi waxaana kor u kacay heerka cabbir ee Webiga.

 Shabeellada dhexe, waxaa wali ay biyo fadhiyaan magaalooyinka Jowhar iyo Mahaddaay. Dadka ku nool labad magaalo ayaa ku soo waramaya in ay dareemayyaan saxansaxo roob taas oo kordhineysa qattarta labada magaalo ee dhinaca fatahaadda ah.

Dhinaca goballada Baay iyo Bakool waxaa hoos u dhacay roobabki ka da’ayay waxaana hadda hooseysa qattarta fatahaad ee deegaannada labada Gobal.

 Webiga jubba hoos ayuu u dhacay heerkiisa waxaana hadda is dhintay baqdinta laga qabay fattahaad. Sida ku cad saadaasha SWALIM, toddobaadka xiga waxaa jirta cabsi la xiriirta in ay roobab xooggan da’aan taasina waxaanay meesha ka saareyn in ay waajib tahay in la feejignaado.

 Sidoo kale Gobballada Bari iyo mudug ayaa Iyana ka mid ah meelaha sadaashu tilmaameyso in ay roobab xoogani da’I doonaan.

Dowladda Qadar ayaa deeq gaareysa 44 tan oo isugu jirta agab caafimaad, teendhooyin, mara-kaneeco iyo joodariyaal waxaa manta ay soo gaarsiisay Magaalada Muqdisho.

Madaxa Sanduuqa Qadar ayaa deeqdan ku wareejiyay deeqdan Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha. Deeqdan ayaa ah tii labaad oo muddo toddobaad gudaheed ah ay soo gaarsiiso Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga heer-wasiir Md Xamse Saciid Xamsa ayaa uga mahad-celiyay Dowladda iyo Shacabka Qadar dadaalka ay ku garab istaagayaan dhibbanayaasha fatahaadaha iyo Daadadka.

 Waxaa si hab-sami ah u socda deeqaha iyo Gargaarka gaarayya deggaanada ay saameeyeen fatahaadaha iyo daadadkaWaxaa Maanta Gaaray Magaalada Guriceel 2 diyaaradood oo u raran Bladweyne.

 Guddiga farsamada faraca Baladweyne waxaa markii ugu horreysay ay manta ku shaqeeyeen xarunta cusub ee rasmi ahaan ay u wada fureen Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga heerka Wasiir Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre.

 Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa sii wadda howlihi gargaar, waxaan rugta ay manta gargaar u qeybisay qoysas ay tiradoodu gaareyso 500 oo qoys.

 Xarumo caafimaad oo horleh ayaa manta laga furay Baladweyn ku was oo siin doona adeegyo caafimaad dadka u barakacay Ceeljaalle. Xarumaha manta la furay ee shanta ah waxaa sii taageeraya adeegyada caafimaad ee wareega ee horay uga sii jiray Ceeljaalle.

 DRC waxeey maanta qeybisay Agab nolalaeed gaarayo 120 bundad qoysas gaaraayo 350 oo ku sugnaa goobta Cell Jalle. Waxaa cuno loo qeybiyay sidoo kall e qoysay gaarao 1025 waxan qeybiaya Hayada HAARO.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON