Monday, July 21, 2025

Xukuumadda Somalia oo Warkii ugu horeeyay kasoo saartay Muranka Xajka Sanadkan & War Cusub

Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay muranka ka taagan arrimaha xajka, iyadoo sheegtay in lagu socon doono qorshihii ahaa inay 5 shirkadood qaadaan xujeyda, lacagtana laga qaadanaya ay noqoto $3300.

Wasiiru dowlaha Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo sii haya xilka wasiirka C/xakiin Xasan Ibraahim oo ku sugan Sacuudiga ayaa sheegay inuu mas’uuliyiinta Xajka ee Sacuudiga kala hadlay safarka Xujeyda Soomaalida ku tegayaan dhulka barakeysan iyo sidii ay u heli lahaayeen iyo adeegyada kale ee xajka.

Wuxuu intaas ku daray inay iskaashanayaan wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Shirkadaha Diyaaradaha iyadoo maalinta Axada ah ee soo socota ay gudbin doonaan jadwalka Duulimaadyada Xujayda, kadibna ay bilaaban doonaan duulimaadyada dadka Soomaaliyeed ay ku tagayaan Sacuudiga si ay u soo gudtaan Acmaasha Xajka.

Wasiiru dowlaha diinta iyo awqaafta  iyo wafdi la socda oo Sacuudiga tegay Arbacadii ayaa sheegay inay jiraan shuruudo laga rabo diyaaradaha xujeyda qaadaya, ayna jirto rajo ah in arrimahan ay dhammaadaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa inaysan waxba iska badalin dadaaladii ay waday ee ku saabsanaa in la yareeyo lacagaha badan ee dadka Soomaaliyeed ay ku tagi jireen Xajka, iyadoo qofkii xajinaya sanadkan laga qaadayo lacag dhan 3300, oo dollar (Saddex kun iyo Saddex Boqol oo dollar) Halka markii hore laga qaadi jiray Qofkii 3850, Dollar (Saddex kun Sideed Boqol iyo konton Dollar).

Arrintan ayaa imaaneysa xilli uu muran hareeyay xajka sanadkan, iyadoo shirkadaha Jubba iyo Daallo ay horeba lacago ka badan $3850 uga qaadeen xujey kumanaan ah oo u socda xajka,halka shirkado saddex ah oo xukuumada ay wadato ay la’ yihiin fasax ay ka helaan Sacuudiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON