Monday, June 23, 2025

Xukuumadda Soomaaliya oo beenisay inay ka qeyb galeyso Shirka Kheyraadka shidaalka ee Nairobi

Iyadoo ay baraha bulshada hareysay qoraal ku saabsan shirka arrimaha kheyraadka Shidaal ee Soomaaliya ee  ka dhici doona Nairobi ee looga hadlayo khayraadka shidaal ee Soomaaliya ayaa xukuumadda Soomaaliya ay beenisay inay wax ka ogtahay.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanka xukuumadda Soomaaliya Eng.Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay inaysan xukuumadda waxba ka ogeyn shirkaasi, isla markaasina aanu la socon Ra’iisal wasaaraha, shirkaasina yahay waxba kama jiraan yahay.

Wasiirka ayaa caddeeyay in xukuumadda Soomaaliya ay la xiriirtay dadka wada qabanqaabada shirkaasi ayna u sheegtay inaysan ka qeyb galeynin, wax war ahna u heynin shirkaasi, wuxuuna beeniyay inay qeyb ka tahay shirkadda Soma Oil oo magaceeda lagu xusay shirka.

Ad

Qoraalo lagu faafiyay baraha bulshada iyo web ay leedahay shirkadda qabanqaabineysa shirkaasi ayaa lagu caddeeyay in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Batroolka ay ka qeyb galyaan shirkaasi.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha C/llaahi Xaamud ayaa ku saxiixan qoraalka lagu caddeeyay arrintan, waxayna warar hoose sheegayaan inuu isagu howshan ku talo baxay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON