Xukuumadda Soomaaliya ayaa wafdi ka kooban wasiiro u direysa degaanada Maamul Goboleedka Puntland, kadib shir degdeg ah ay caawa yeesheen guddi wasiiro ah. Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa shir guddoomiyey kulankaasi Waxaana xubnaha wasiirada ka qeyb galay ka mid ahaa:
Wasiirka Waxbarashada
Wasiirka Haweenka,
Wasiirka Dhalinyaradda,
Wasiirka Amniga,
Wasiirka Warfaafinta,
Wasiir ku xigeenka Caafimaadka
iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaaha.
Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa warbixin ku saabsan dadka qaxootiga ee ka soo laabtay dalka Yeman soona gaaray magaalada muqdisho iyo sida loo qaabilay dadka kale ee yimid magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera.
Tirada dadka soo gaaray Muqdisho ayaa lagu sheegay inay gaareyso 5000 qof oo isugu jira Soomaali, Ethiopian iyo Yemaniyiin.Halka tirada soo gaartay Boosaaso ay dhan tahay 5,000 qof. Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ayaa la sheegay inuu amray gudi wasiiro ah in loo diro Puntland, si dadka halkaas jooga iyo kuwo imaanaya ay isaga kaashadaan labada dhinac.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ugu baaqay dowladda Federaalka inay kaalinteeda qaadato oo dadka qaxootiga ee Yeman ka yimid kuna sugan Puntland taageero u fidiso.
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]