Monday, June 23, 2025

Xukuumadda Soomaaliya oo ka baxday dhammaan heshiisyadii Shirkadaha gaarka ah [Wareegto Culus]

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka baxday dhammaan heshiisyadii ay kula jirtay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada dowladda.

Wareegto ka soo baxday Wasiirka Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ku socotay dhammaan wasaaradaha lana ogeysiiyay, madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo Hanti dhowrka, xisaabniyaha guud iyo hay’ado kale ayaa lagu caddeeyay in laga bilaabo 31 July 2017 ay xukuumadda ka baxday heshiisyadii ay kula jirtay shirkdaha gaarka ah, waxaana la faray waaxda canshuuraha wasaaradda Maaliyadda inay la wareegto shaqooyinkii ah hayeen shirkadaha gaarka ah.

Amarkan ayaa ah kii ugu weynaa ee xukuumadda Soomaaliya ay qaadato, iyadoo aan la ogeyn sida loo fulin doono, inkastoo laga reebay shirkadaha maamulka Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda weyn ee Muqdisho.

Ad

ku dhowaad 20 shirkadood ayay dowladda Soomaaliya heshiis kula jirtaa iyagoo qabta shaqadii ay qaban lahaayeen wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda.

HOOS KA AKHIRSO WAREEGTADA

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON