Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay dib u howlgelinta & Dhismaha Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo wasiirka Wasaaradda ganacsiga uu magacabay, iyadoo hoos tegi doonta Wasaaradda Ganasiga iyo Warshadaha.
Shaqada Hay’adda ayaa lagu sheegay inay ka hortageyso Badeecadaha dhacay iyo kuwa halista ku ah Caafimaadka dadka iyo degaanka. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa magacaabay shan xubnood oo noqonaya Guddiga Hay’adda Tayo-dhowrka iyo bedqabka badeecadaha dalka soo gala.
Magacyada Guddiga waxay kala yihiin:
1- Aadan Xasan Barre – Guddoomiye
2- Cabdillaahi Salad Xasan Xubin
3- Ibraahim Naxamed Xasan Xubin
4- Fartuun Siidow Macalin Cabdi Xubin
5- Cabdi Saqaawe Cismaan Xubin