Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Lacag ay dowladda Federaalka siineyso maamul Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir si ay ula tacaalaan Cudurka Coronavirus.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulan uu la yeeshay Guddiga Ka hortagga Coronavirus ka sheegay in min Hal Milyan oo Doolar la siinayo Dowlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir, iyadoo lacagtaasi u adeegsadaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka Covid-19.
Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa la faray inay fududeyso sidii lacagtaasi degdeg ugu gaari lahayd maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimmadda ay midnimada iyo isu geynta cududda Soomaaliyeed ay leedahay xilligan adag ee uu dalku marayo, isaga oo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulsahda ugu baaqay in dhan looga soo wada jeesto ka hortagga cudurka.
Shir Khadka Internetka muuqaal ahaan uga dhacay ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirada caafimaadka Maamul Goboleedyada dalka; waxaana Guddiga Dowladda Federaalka ee ka hortagga Cudurka Covid-19 guddoomiye u ah Ra’iisal wasaaraha.