Sunday, July 6, 2025

Xukuumadda Soomaaliya oo shaqadii ka joojisay Shirkado Gaar ah oo heshiis kula jiray [Akhriso]

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqadii ka joojisay shirkado ka mida kuwa bixiya adeegga hay’adaha dowladda oo qandaraasyo kula jiray dowladda Soomaaliya.

Amar soo baxay horaantii bisha Ogost ayaa kaliya waxaa lagu fuliyay shirkadii canshuuraha wado-marista, waxaana la sheegay in horaantii bishan shaqada laga joojiyay shirkado kale oo ay ka mid yihiin shirkadda daabacda Baasaboorka iyo shirkadaha bixiya Leysinka iyo Taargooyinka.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa amray in wasaaradaha xukuumaddiisa ay fuliyana amarka shaqo ka joojinta dhammaan shirkadaha gaarka ee qandaraasyada kula jirta dowladda, iyadoo qarkood la sheegay inay dib u dhacday fulintii amarkan arrimo farsamo awgood.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiisyo kula jirtay ku dhowaad 20 shirkadood oo bixin jiray adeegyada dowladda ee kala duwan, waxaana arrintan shaqo ka joojinta ay qeyb ka tahay dib u habeyn uu dalbaday Bankiga adduunka.

GOOBJOOGE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON