Xukuumadda xilka sii heysa ayaa si cad u mamnuucday bannaanbax ay ku dhawaaqeen midowga Musharixiinta Madaxweynaha, kadib shir jaraa’id oo ay qabteen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.
Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa shaaciyay inaysan ogolaan doonin in banaanbax lagu qabto magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay dowladdu go’aamisay in gabi ahaanba la joojiyo isusoo baxyada iyo kulamada laga maarmi karo, go’aankuna uu sidii hore loo qaatay u ahaan doono.
“Bannaanbax oo dhan waa la joojiyey ama ha lagu taageero ama halooga soo horjeedo.. caasimadda waaba ugu darran tahay,, Mudaaharaad Hub wata sideedaba lama ogolaan karo… Waxaa jira dad is xil-qaamay oo isku dayey inay xaliyaan arrinta Bannaanbaxa, waxaana hadda socda wadahadal, sidii uu horay u sheegay ra’iisul wasaaruhu weli waxaa furan albaabka wadahadalka,” ayuu yiri wasiir Xundubey.
Wasiirka aya sheegay inay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu xaliyo xaaladda jirta, laakiin aanu ahayn mid wax ka bedeli kara go’aanka dowladda.
