Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ka dhashay dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo qaarkood ay weli socdaan.
Wasiirka Amniga Xasan Xundubey ayaa warbaahnta dowladda ka sheegay in ciidamada Amniga ay so afjareen kooxo hubeysan oo shisheeye soo abaabulay, lana doonayo in magaalada Muqdisho loo soo rarro.
Wasiirka ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay iminka si buuxda gacanta ugu hayaan goobihii saaka ka dhaceen arbushaadda, isagoo shacabka uga tacsiyadeeyay intii ay dhibaato gaartay.
Wasiirku wuxuu u sheegay dadka Muqdisho inaysan faraha la gelin dagaal dibadda laga soo abaabulay, lagana dhaxlayo dhibaato iyo burbur, wixii siyaasad ahna laga heshiin doono, sida uu yiri.
Wuxuu beeniyay Xasan Xundubey in ciidamada dowladda ay weerareen hoyga madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh, isagoo arintaasi ku tilmaamay been abuur, wuxuuna ku dooday inay Xasan Sheekh ilaalo u yihiin ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.
