Saturday, July 12, 2025

Xuuthiyiinta Yeman oo Gantaal Blastic ah ku weeraray Magaalada Riyaad [Maxaase dhacay..?]

Kooxda shiicda dalka Yeman ee Xuuthiyiinta ayaa Gantaal nooca Blastic-ada ah ku weeraray magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Gantaalkan oo dhinaca magaalada Riyaad lagu soo liishaamay ayaa ku soo beegmay saacado ka hor inta aanu magaaladaasi tegin madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo socdaalkiisii ugu horeeyay ee dibadeed ka bilaabay Boqortooyada Sacuudiga.

Gantaalka ayaa ahaa nooca Burkan-1 sida ay sheegtay wakaaalada wararka Yeman ee Xuutiyiintu gacanta ku hayaan, waana gantaal gaari kara 200 KM.

Gantaalkan ayaa intii uu ku socday magaalada Riyaad lagu soo riday meel u dhow xuduudka Yeman iyo Sacuudiga. Isbaheysiga Sacuudigu hoggaaminayo ee dagaalka ka wada Yeman ayaa sheegay inay soo rideen gantaal ay Xuuthiyiinta soo tuureen, kaasoo lagu soo riday gobolka Koonfureed ee Arryaan, isagoo ku dhacay goob lama degaan ah, wax qasaare ahna aanu geysan, sida ay sheegtay wakaalada wararka Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa hore u diyaariyay gantaalaka hortaga gantaalaha kale ee Patriot. TV-ga Alcarabiya ayaa isna soo weriyay in gantaalka uu ahaa kii ugu awood badnaa ee Xuuthiyiintu ku ridaan Sacuudiga.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON