Friday, June 27, 2025

Xuuthiyiinta Yeman oo Gantaalihii ugu badnaa ku weeraray Sacuudiga & Dad ku dhintay magaalada Riyaad

Ciidammada Sacuudiga ayaa sheegay inay soo rideen toddobo gantaal oo Jabhadaha Xuutiyiinta ah ee Yemen ay Sucuudiga ku soo rideen magaalooyinka mida dalka Sacuudiga.

Saddexda gantaal oo ka mida gantaallaha ayaa waxaa lagu riday magaalada caasimadda ah ee Riyad,  waxaana warbaahinta Sacuudiga ay sheegtay inuu hal ruux uu ku dhintay, saddex kalena ay ku dhaawacmeen markii burburka gantaal uu ku dhacaya yaana Gurigooda.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ahaayeen Masaari degan magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga, waxaana dadka magaaladasi ay ka hadleen qaraxyo waaweyn oo ay xalay maqleen iyo hawada magaalada oo noqotay hilaac iyo guux.

Jabhadaha Xuutiyiinta ah waxay bartilmaameedsanayeen dhawr goobood oo uu ku jiro garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee magaalada Riyadh. Xulafadu waxay Iiraan ku eedeeyeen in ay Xuutiyiinta u gayso gantaallo, arrintaas oo ay diiday Tehran.

Goobjoogeyaal Riyadh ku sugan ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo ayna arkeen uuro. Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay in sidoo kale gantaallo lagu riday magaalooyinka Najran, Jizan iyo Khamis Mushait.

Jabhadaha Xuutiyiinta ah ayaa gantaallo badan ku ganay Sacuudiga billihii u dambeeyay, waxayna ku goodisay inay sii wadi doono weerarrada gantaallaha. Iiraan waxay sheegtay in gantaalladu ay yihiin “ficillo ka madax bannaan” oo loogu jawaabayo haysashada xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON