Xog ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegaysa in amarkii dib looga celiyay magaalada Beledweyne Danjire Maxamed Cali Amerika uu ka yimid madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliua Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax amar ku siiyay dib u celinta Safiir Amerika oo shalay ciidamada maamulka Hiiraan ay u diideen inuu ka soo gudbo degmada Mattabaan, wuxuuna hadda ku sugan yahay Dhuusamareeb.
Xasan Sheekh iyo C/fataax ayaa la sheegay inay tahay inay shaki weyn ka qabaan inuu Danjire Cali Amerika ka mid yahay musharixiinta u taagan maamulka loo dhisi doono gobollada Hiiran iyo Sh/dhexe, sidaas darteedna loogu diiday inuu B/weyne tago.
Waa markii ugu horeysay ee Danjiraha loo diido magaalo Soomaaliyeed isagoo hore u soo maray Kismaayo, Baydhaba, Garowe, Boosaaso, Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]