Friday, June 27, 2025

Yaa iska lahaa hubkii lagu qabtay Xeebaha Bari..? [Musharax Madaxweyne oo dusha loo saaray]

Wararka laga helayo Puntland ayaa sheegaya in Hubkii dhowaan lagu qabtay Xeebaha Gobolka Bari lagu eedeeyay inuu lahaa mid ka mid musharixiintii u tartamay xilka madaxeweynaha Soomaaliya.

Sida ay shaacisay Idaacad ku taalla magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Kulmiye, iyadoo soo xigatay saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Boosaaso oo aanay shaacin inuu hubkaasi lahaa Siciid C/llaahi Deni.

Mudane Siciid C/llaahi Deni oo lagu wado inuu musharax u yahay xilka madaxweynaha Puntland aya arrintan loo arkaa olole ka dhan ah siyaasigan oo wasiir kasoo noqday xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aan looga baran  inuu ku lug leeyahay arrimo milateri.

Hubkan oo lagu wado in laga keenay dalka Yeman ayaa dadka qaarkii ku tilmaameen mid ganacsi oo si caadi ah Soomaaliya iyo Yeman la isaga gudbiyo, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan ciddii lahayd ee uu ku socday hubkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON