Thursday, June 26, 2025

Yaa ku guuleysan doona Doorashada Madaxweynaha Galmudug..? [Fursadaha saddexda Musharax]

Waxaa maanta khudbadahooda musharaxnimo u jeediyay Baarlamaanka maamulka Galmudug saddexda musharax ee u taagan xilka madaxweynaha Galmudug.

Doorashada oo dhici doonta 3-da Bishan May 2017 ayaa saadaal kala duwan laga bixinayaa cidda ku soo bixi doonto, iyadoo lagu soo koobay saddex musharax oo kaliya, isla markaana aanay xiisadeedu ahayn mid u weyn sidii doorashadii koowaad.

Musharaxiinta xilkan u taagan ayaa kala ah:

  1. Axmed Ducaale Geelle Xaaf
  2. Cabdikadir Maxamed Shirwac
  3. Axmed Shariif Hilowle

Dadka la socda doorashadan ayaa sheegaya in Axmed Shariif Cali Hilowle uu heysto taageero badan oo siyaasiyiinta Galmudug kasoo jeeda ah iyadoo loo saadaalinayo inuu ku soo baxo doorashada Arbacadda ka dhici doonta magaalada Cadaado.

Musharaxan ayaa taageero ka heysta madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin lama oga sida xildhibaanada Baarlmaanka Galmudug u dhaqmi doonaan, siiba inay xaaladu isbedeli karto haddii ay timaado inuu dhaqaale meesha soo galo.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON