Magaalada Cadaado ayaa la filayaa in maanta ay ka dhacdo doorasho lagu loolamayo kuraas ka mida aqalka hoose ee Baarlamaanka.
Kuraasta lagu loolamayo waxaa ka mida kursi ay ku kulmeen siyaasiyiin iyo ganacsato caan oo noqon doona mid ka mida kuraasta ugu adag ee yaalla magaalada Cadaado.
Kursiga ka mida kuraasta beesha Sacad ee aqalka hoose waxaa ku tartamaya:
- Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) – Xildhibaanka difaacanaya kursiga iyo ganacsade caan ah
- Axmed Macalin Fiqi – Taliyihii hore ee NISA, kana tirsan kooxda Aala-sheekh
- C/salaan Xaaji Axmed (Dhaban-cad) – Safiir hore iyo Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Maamulka Galmudug
Kursigan ayaa la sheegay in si weyn loogu tartamayo, iyadoo dhaqaale loo adeegsanayo. marka la eego ololaha ka socda Cadaado waxaa loo badinayaa inuu kursigan u dhow yahay inuu dib u hanto Xildhibaan Xaaf.
Axmed Macalin Fiqi oo goor danbe tartanka kursiga lagu soo qalqaaliyay kana mida kooxda Aala-sheek ayaa dadaal badan ku jira inkastoo laga dhaqaale badan yahay, waxaana laga cabsi qabaa haddii kooxdiisa aysan dhaqaale xoog leh ku caawin inuu ku fashilmi doono kursigan.
Goobjooge.com