Loolan adag ayaa loogu jiraa kursiga beesha Cali-gaaf/Waceysle ee aqalka hoose Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kursigan oo ah kii uu baneeyay madaxweynaha waqtigiisu dhammaday ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu dooranayaa magaalada Cadaado, iyadoo ay ku tartamayaan saddex musharax oo mid ka mida ay haween tahay, waxayna kala yihiin:
1. Eng. Cabdullaahi Cali Xasan
2. Saadaq C/kariin Xaajii Ibraahim
3. Fowsiya Xasan Abuukar
Injineer C/llaahi Cali Xasan ayaa la sheegay inuu rajo fiican leeyahay, laakiin waxaa ciddiyaha ku dagaalamaya agaasime ku xigeenka madaxtooyada Saadaq C/kariim oo ah muisharaxa uu wato madaxweynaha, waxayna u badan tahay in labadan nin ay ku loolamaan kursiga.
Guddiga Doorashada ayaa doonaya in qoondada haweenka la dhowro, taasoo u muuqata in beelaha intooda badan aysan u hogaansamin.
Goobjooge.com