Sunday, July 13, 2025

Yaa ku guuleysan doona tartanka Doorashada Xilka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug..?

Waxaa goor dhoweyd Magaalada Dhuusamareeb ka bilaabatey Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug, kadib markii Madaxweyne loo doortay Axmed Cabdi Kaariye.

Xilka Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxaa ku tartamaya shan musharax oo kasoo jeeda beesha degmada Caabudwaaq oo awood qeybsi ahaan loo siiyay, waxayna kala yihiin:

1:- Cali Daahir Ciid

2:- Axmed Yuusuf Warsame (Taajir)

3:- Saadaq Cabdullaahi Xaashi

4:- Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)

5:- Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.

Xogta laga helayo magaalad Dhuusamareeb ayaa sheegeysa inuu ugu rajo wanaagsan yahay xilkana ku guuleysan doono musharaxa Cali Daahir Ciid oo taageero ka heysta Madaxweyne Farmaajo, waxaana kusoo xiga Maxamed Xaashi Carrabey oo taageero kale isna ka heysta madaxweyne Farmaajo, waxaase laga yaabaa inay doorashadu wareeg labaad loo baahdo oo codadka la kala qeybsado.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON