Saturday, July 12, 2025

Yaa ku haboon inuu Xilka iska casilo Jawaari & Kheyre..? [AKhriso Natiijada cod-bixintii labaad ee Goobjooge]

Guddoomiye Jawaari oo taageereyaal badan ku waayay codbixintii labaad ee Shabakadda Goobjooge

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaar) oo la hardamaya mooshinka uga furan xildhibaannada baarlamaanka ayaa taageerayaal badan ku waayey dhacdooyinkii ugu danbeeyay.

Jawaari ayaa hore taageero badan uga helay cod bixin barta Facebook ay ku qaaday mareegta Goobjooge.net, isagoo helay 57% inuu sii hayo xilka guddoomiyaha Barlamaanka Soomaliya [Ka Akhriso Halkan].

Cod bixintii labaad oo socotay 24 saacadood waxaa ka qeyb qaatay dad ku dhow 2000 qof, waxaana dadka la weydiiyay Cidda ay haboon tahay inay is casisho: Guddoomiye Jawaari & Ra’iisal Wasaare Kheyre..? Waxaana inuu Jawaari xilka ka dego oo tanaasulo u codeysay 51%, halka Ra’iisal wasaare Kheyre inuu xilka banneeyo ay u codeysay 49%.

Isbedelka dib u dhaca ah ee ku yimid taageeradii dadka u hayeen Guddoomiye Jawaari ayaa loo aaneynaa inay ugu wacan tahay hab dhaqankiisa siyaasadeed ee maalmihii ugu danbeeyay iyo isagoo khilaaf kala dhaxeeyo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, isla markaana mooshin ka yaallo Baarlamaanka.

Dad badan ayaa sadaalinaya in xalka kaliya ee hadda haray uu yahay in Guddoomiye Jawaari uu tanaasulo maadaama ay muuqan inay wada shaqeyn karaan madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ama xaaladu noqon doonto burbur dowladda oo dhan ku yimaada iyo is-heysad aan dhammaan taasoo aan ku wanaaagsaneyn mas’uul heerkiisu gaarsiisan yahay xilka iyo da’da Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON