Wednesday, June 25, 2025

Yaa loo magacaabi doonnaa Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda ee NISA ..? [Xubnaha la hadal hayo]

Wararka laga helayo madaxtooyada ayaa sheegaya in dhowaan taliye cusub loo magacaabayo Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA.

Xilkan ayaa ka mida isbedel lagu sameynayo taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ee hadda xilalka haya oo dhammaantood la sheegay in la bedeli doono.

Taliyaha ugu horeeya ee miiska saaran ayaa ah Taliyaha Hay’adda NISA C/llaahi Gaafow Maxamuud oo isagoo markii hore ku qornaa isbedelka ay haddana isku beel noqdeen Ra’iisal wasaaraha cusub Md. Xasan Cali Kheyre oo awood qeybsi ahaan la filayo in la siiyo beel kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuusan weli heynin qofkii uu doonayay inuu xilkan u dhiibo, balse la hadal hayo nin ay saaxiibo yihiin oo Mareykanka looga yeerayo. Laakiin musharixiinta ololaha ugu jira waxaa ka mida Wasiirkii hore ee Amniga Khaliif Ereg iyo taliyihii hore ee NISA C/raxmaan Tuuryare.

Wakiilada Beesha caalamka siiba Mareykanka ayaa ku dhegan taliye Gaafow kadib markii lagu eedeeyay faragelintii doorashada xildhibaanada Baarlamaanka ee ka dhacday magaalada Cadaado.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON