Wednesday, June 25, 2025

Yaa loo magacabayaa Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Soomaaliya..? [Akhriso xubnaha la saadaalinayo]

Kadib markii uu is-casilay wasiirkii hore ee Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa laga sugayaa qofkii xilkiisa buuxin lahaa oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa isla markiiba la bedelay oo xilkiisa la buuxiyay, waxaase weli aan la magacaabin wasiirka Gaashaadhigga oo la sheegay inay jiraan shaqsiyaad lagu wado inay xilkan loo magacaabo.

Wararka la helayo ayaa sheegaya inay xilkaasi ay ugu dhow yihiin in loo magacaabo wasiir hore xilkaasi u soo qabtay xilligii dowladii KMG ahayd, kasoo ka hoos shaqeeyay xilligii uu Ra’iisal wasaaraha ahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo kaasoo ah: C/xakiim Maxamud Fiqi oo ku dhow madaxweyne Farmaajo.

Waxaa kaloo xubnaha la saadaalinayo in xilkaasi loo magacaabo ka mida Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo hore looga qaaday xilkii Taliyaha ciidamada Booliska, isla markaana hore u soo qabtay xilka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Labadan mas’uul ayaa si weyn loo hadal hayaa oo ka sokow waxqabadkooda lagu xusuusto khibrada u leeyihiin xilkan, laakiin warar kale ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu wato nin Mareykanka degan oo aanay noo suuragelin inaan magaciisa helno, kaasoo ka mida xubnaha xilkan u sharxan.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo xaalad dagaal dalka la gelinay oo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo lagu wado inuu maalinte Berri ee Sabtida uu uga hor dhawaaqo labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, mana cadda in dowladdu ay dagaal geli doonto iyadoo aan lahayn Wasiir Gaashaandhig.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON