Tuesday, June 24, 2025

Yaa noqon doona Agaasimaha cusub iyo Taliyaha Madaxtooyada dowladda Madaxweyne Farmaajo..?

Iyadoo ay soo dhowaatay la wareegista xilka ee madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa soo dhacaya warar ku saabsan xilalkii ugu horeeyay ee madaxweyne Farmaajo u magacaabi doono maamulka madaxtooyada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in agaasimaha cusub ee Madaxtooyada uu noqon doono Thabit Cabdi Maxamed oo hore u soo noqday agaasime xigeenka Madaxtooyada xilligii Xasan Sheekh isla markaana uu abti u yahay madaxweynihii hore.

Thaabit oo hadda ah safiir ku xigeenka Soomaaliya ee Mareykanka waxay saaxiibo dhow yihiin madaxweyne Farmaajo, waxaana doorashadiisii kadib uu noqday mid kamida madaxda ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

BIDIX: Taabit Cabdi Maxamed Cabdi, Gen. C/llaahi Cali Caanood

Warar la isla dhex marayo ayaa iyaguna sheegaya in Taliyaha ciidamada ilaalada Madaxtooyada loo magacaabi doono Gen. C/llaahi Cali Caanood oo ka mida taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka oo isla xilkan kasoo qabtay dowladii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Ragga kale oo ka hadalhayo inay ka howlgeli doonaan madaxtooyada waxaa ka mida Siyaad Maxamuud Shire oo isna ah madaxa sii wada protocol-ka madaxweyne Farmaajo, waxaana la sugayaa  in magacaabidda oo noqon doonta tii ugu horeysay ay soo baxdo saacadaha soo socda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON