Monday, June 23, 2025

Yaxye Cali Ibraahim oo awoodda Ra’iisal Wasaaraha kula wareegay Guddiga Abaaraha Qaran [Caddeyn]

Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo dhowaan xilka laga qaaday Yaxye Cali Ibraahim ayaa lagu eedeeyay inuu faragelin iyo wax ka bedel ku sameeyay Guddiga Qaranka ee abaaraha.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Maxamuud Xasan (Azhari) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku eedeeyay Xoghayihii Yaxye Cali Ibraahim inuu fara gelin ku haayo howlaha Wasaaradda, isla markaana bilaabay inuu kala qeybiyo oo  bur buriyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.

Ad

Mudane Azhari ayaa si kulul arrintan uga hadlay, isagoo adeegsaday baraha bulshada, taasoo muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka cusub. “Kaddib Markii Yaxye Cali Hareeri uu ku fashilmay Hoggaankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, wuxuu u tafaxeytay inuu kala qeybiyo, isla markaana burburiyo Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha” yuu yiri Mr. Azhari.

Yaxye Cali Ibraahim oo ay ahayd inuu xubinnimadiisa Guddiga Abaaraha Qaranka waayo, kadib markii laga qaaday xilkii uu Guddiga uga mid ahaa ee wasaaradda arrimaha gudaha, laakiin waxaa dhacday in Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre uu Yaxye ka dhigo la-taliye xafiiskiisa ah, taasoo keenay inuu Guddiga dhexdiisa awood ku lahaado.

Yaxye Cali Ibraahim oo xilka ku wareejinaya xoghayaha cusub ee Wasaaradad Arrimaha Gudaha

Kadib xil ka qaadistsii Yaxye ayuu sheegay xoghaye Azhri inuu shirkii maalinlaha ee Guddiga Gurmadka Abaaraha oo  lagu qaban jiray xaruntiisa Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu isagu la wareegay isagoo ku shiraya meel qarsoodi ah.

- Advertisement -

Yaxye ayaa lagu eedeeyay inuu Guddiga Abaaraha Qaran ka saaray Guddiga xubnaha ka tirsanaa, isagoo ku soo daray xubno cusub, isagoo adeegsanaya Sheekh Nuur Baaruud iyo awoodda Ra’iisal wasaare Kheyre.

Shirkii ugu danbeeyay ee Guddigani yeesho ayaa waxaa ka qeyb galay saddex xubnood kaliya oo ahaa xubnaha rasmiga ah ee ku soo baxay Digreeto Madaxweyne, halka xubnaha kale uu keensaday Yaxye Cali Ibraahim.

Yaxye Cali Ibraahim ayaa ahaa Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Guddiga qaran ee Gurmadka Abaaraha, ka hor inta aan laga qaadin xilkii Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON