Wednesday, June 25, 2025

Yusur Abraar xil kama doonan dowladda cusub, mana joogto Muqdisho [Akhri War-saxaafadeed]

Qoraal ka soo baxay Isbaheysiga RAJO ayaa lagu beeniyey wararka laga faafiyay Dr.Yusur Aadan Abraar oo sheegaya inay magaalada Muqdisho u tagtay xil ay ka qabato dowladda cusub ee Soomaaliya.

Yusur oo hore u soo noqotay muddo kooban Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa warbaahinta Soomaalida sheegeen inay Muqdisho u tagtay si ay ugu biirto dowladda Soomaaliya.

Qoraalka Isbaheysiga Rajo oo ay xubin ka tahay Dr. Yusur Abrar ayaa lagu caddeeyay  in wararkan ay yihiin mala-awaal aan waxba ka jirin.

HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA

War saxaafadeed: 122/Rajo/17-B

Taariikh: Talaado (07/03/2017)

Ujeedo: Beenayn wararka sheegay in Yusur Abrar eey Muqdisho u joogto xil dawladeed.

War saxafiga ayaa cadaynaya in aysan Yusur Abraar oo ah qof eey Soomalida oo idil ku faanto oo ku caan baxday wadaniyad, hufnaan iyo daacadnimo in aysan xilgaan joogin magaalada Muqdisho si eey u qaadato xil dawladeed.

Arintaas oo eey warbaahin badan faafiyeen waa been runta ka fog.

Yusur mar waliba wexeey diyaar u tahay in khibradeeda, aqoonteeda iyo kartideeda la wadaagto dalkeeda iyo dadkeeda kana qayb qaadato horomarinta dalkeena.

RAJO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON