Sunday, July 13, 2025

Yuusuf Dabageed oo ka hor yimid shirka Maamul u sameynta Hiiraan & Sh/Dhexe ee Jowhar

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa si cad uga hor yimid shirka Jowhar ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Isagoo maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne  ayuu sheegay Yuusuf Dabageed  inuusan waafaqsaneyn qaabka loo wado shirkaasi oo IGAD iyo dowladda Federaalka ay doonayaan inay  dib u furaan.

Dabageed ayaa wararku sheegayaan in arrimaha shirka Jowhar ay isku afgaran waayeen wasaaradda arrimaha gudaha iyo wakiilka IGAD, iyadoo shirka ay la wareegtay maamulkiisa IGAD.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa go’aankiisa uu dhibaato kale ku keenayaa shirka Jowhar oo ay hore uga horjeedeen qaar ka mida odayaasha dhaqanka Hiiraan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON