Wednesday, June 25, 2025

Yuusuf Garaad: “Cali-Yare waa in la baaraa iyada oo xuquuqdiisu ay u dhan tahay, ilaa ay Maxkamadi xukun riddo”

Saxafiga Soomaaliyeed iyo siyaasiga xilligan Yuusuf Garaad Omar Axmed ayaa qoraal kooban ka sameeyay xaalada dhex taalla nin lagu magacaabo  Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) oo ka mida dhalinyarada Xamar  iyo  qurbejoog oo maalmihii danbe sheegay inay daba joogtay hay’adda nabad sugidda Qaranka. Qoraalka Yuusuf Garaad hoos ka akhri

[spacer color=”8BC234″ icon=”Select a Icon” style=”2″]

Cabashada Cali-Yare

Maalmahan waxaan saxaafadda bulshada kala socday khilaaf u dhexeeya Cali – Yare oo ah dhallinyarada Xamar iyo diaspora ee siyaasadda kulaala iyo hey’adda NISA ee Amniga iyo Sirdoonka. Ma hubo maxaa ka run ah maxaase lagu dhex daray. Laakiin hadallada meesha maraya waa kuwo u baahan in wax laga ifiyo.

 

Cali_Yare-1

Cali wuxuu ka cabanayay in la xiray, dhowr jeer loo yeeray, la baqdin geliyay, isla markaana loo diiday qareen. Markhaati uma hayno in arrintu ay sidaas u dhacday, laakiin cid beenisayna ma hayno. Waxaan haynaa war laga soo waariday Nabad Sugidda oo Taliyaha ka ag dhow. Wuxuu sheegayaa in Cali lagu tuhunsan yahay in uu furtay bar Facebook isaga oo adeegsanaya magaca been abuur ah oo weliba ah kan Taliyaha NISA. Haddana uu Cali baaritaan ku socdo.

[blockquote style=”4″]Cali-Yare waa nin aan aqaan oo Kutub ma sito. Waxa afkiisa ka baxayana wacdi ma wada ahan. Aniguna uma qiil dayayo hadalladiisa, af iyo qoraal toona. Laakiin taasi Cali kama qaadeyso xuquuqdiisa Dastuuriga ah.[/blockquote]

  Anigu ma hayo xog hoose, waxaan ku saleynayaa oo keliya cabashada iyo eedeymaha Cali si toos ah uga soo burqanaya iyo si taa ka duwan oo dadban xogta uga timid NISA.

Cali-Yare waa nin aan aqaan oo Kutub ma sito. Waxa afkiisa ka baxayana wacdi ma wada ahan. Aniguna uma qiil dayayo hadalladiisa, af iyo qoraal toona. Laakiin taasi Cali kama qaadeyso xuquuqdiisa Dastuuriga ah.

Qof iyo hey’ad sharciga ka weyni ma jirto. Haddii eedeynta Taliyuhu uu door biday in Saxaafadda Bulshada la soo dhigo ay tahay mid rasmi ah oo xeer ilaalinta loo gudbiyay, Cali waa in la baaraa iyada oo xuquuqdiisu ay u dhan tahay, ilaa ay Maxkamadi xukun riddo.

Hey’aduhu waxay ku dhisan yihiin, oo u fasaxay in ay xabsi lahaadaan hubna sitaan waa dastuurka. Isla dastuurkaas ayay ku qoran tahay xuquuqda muwaaddinku leeyahay. Markaas dastuurka oo kaamil ah waa in la dhowraa.

Dhammaanteen aan baranno in aan ku xariiftanno xeyndaabka sharciga dhexdiisa. Isaga ayaa looga adag yahay qofka khaldan.

W/Q: Yuusuf Garaad

Source: http://yusuf-garaad.blogspot.com/

[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON