Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa ka hadlay xaaladda kacsan ee ka dhex jirta Baarlamaanka Soomaaliya oo maalinta Berri la filayo inuu yeesho kulan ay isku khilaafsan yihiin labada Garab ee baarlamaanku u qeybsamay.
Yuusuf Garaad ayaa farriintiisa u dhigay sida soo socota:
Madaxda Qaranka iyo sidoo kale Xildhibaan kasta waxaa uu ku calaamadeysnaan doonaa kaalinta uu ka qaato iyo mowqifka uu ka istaago khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan.Xildhibaannada waxaa u dheer in ay ku qiimeysnaan doonaan sida ay u dhaqmaan marka uu Baarlamanku furmo.Xildhibaanow, haddii aad taariikhda si qalloocan u gasho, ma awoodi kari doontid in aad taa beddesho. Sidaa darteed, hadda ayay kula gudboon tahay in aad dhowrto heybaddaada Xildhibaannimo, midda Aqalka aad ka tirsan tahay iyo Heybadda Soomaaliya.
Warar Xul ah