Monday, July 14, 2025

Yuusuf Indha-cadde oo dalbaday Baaritaanka Isku-day Dil uu sheegay inuu ka badbaaday (Akhriso)

Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa dalbaday in baritaan lagu sameeyo isku-dil oo uu sheegay inn lagula kacay xilli uu ku usgnaa Garoonka Diyaaradaha Muqidsho.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku yiri: “Anagoo dhex lugeyneyna Airportka Aden Adde Airport Aniga iyo Mohamed Ali Sheikh Ayaa waxa nalaga soo toogtay meel Fog oo ku adaneyd Deaganka Alpha Group e ay ka dagan yihin Airportka taasoo nalagu soo toogtay qoryaha meesha Fog wax looga toogto ayada oo la igu talagalay in la igu qaarajiyo”

Dalabka baaritanaka aya ku socday hoggaan CID iyo taliska Booliska Garoonka iyo Hay’ado kale, waxaana la ogeysiiyey madaxda dowladda Federalka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA JEN. INDHACADDE


UJEEDO: ISKU DAY DIL

KU:Maxkamada Clidamada Qalabka Sida Darajada 1aad
KU:Xeer ilaalinta Guud ee Ciidamada Qalabka sida
KU:Hogaanka Baarista Dambiyada ee Soomaaliyeed C.ID
KU:Mareeyaha Guud ee Aden Adde International Airport
KU:Taliyaha Saldhiga Police Soomaaliyeed ee Aden Adde International Airport
KU:Taliyaha Nabad Sugida Airportka Aden Adde International Airport
OG:Taliyaha Clidanka Police Soomaaliyeed
OG:Kusimaha Hey’ada Nisa e Soomaaliyeed OG:Wasiirka Amniga JFS
OG: Madaxweynaha JFS
Mogadishu

21.12.2021 saacaduna ay aheyd 5:20 Galabnimo anagoo dhex lugeyneyna Airportka Aden Adde Airport Aniga iyo Mohamed Ali Sheikh Ayaa waxa nalaga soo toogtay meel Fog oo ku adaneyd Deaganka Alpha Group e ay ka dagan yihin Airportka taasoo nalagu soo toogtay qoryaha meesha Fog wax looga toogto ayada oo la igu talagalay in la igu qaarajiyo balse ilaahey iga badbaadshay.

Madaama aan u socday si xoog ah ayadoo sababtay inuu sugnaan waayo shiishkii qofkii i toogan rabay sidaas awgeed, waxan ka codsanayaa Hey’adaha sida tooska ah ay ugu socoto warqadaan iyo kuwa kuleh ogeysiinta in la baaro kiiskaan ahaay qaarijinta loogu talagalay nafteyda in la igu qaarajiyo.

Waxan ka rajeynayaa hey’adaha sida tooska ah ay ugu socoto warqadaan iyo kuwa kuleh ogeysiintaba in aan heli doono Cadaalad.

Mahadsanidiin
GEN SHEIKH YUSUF MOHAMED SIYAAD (INDHACADE)

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON