Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde oo ka mida) oo ka mida saraakiisha ciidamada iyo Siyaasiinta dalka, horena u soo noqday wasiiru dowlihi Gaashaandhigga dowladii KMG ahayd ayaa sheegay in sababta mar waliba ay u soo noqnoqdaan khilaafaadka u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ay tahay jileec ka jira dhinaca dowladda Federaalka.

Yuusuf Indha-Cadde wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay ugu jilicsan tahay Puntland iyo maamulka KMG ah ee Juba ayna mar waliba u sameyso sida ay rabaan, taasoo dhalisay inay raadiyaan Sed (Qeyb) aanay lahayn.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada ayaa heerkan gaarsiisay mamaulada Puntland iyo Jubba,waayo waxay u sameysay wax aan loo sameyn maamulada kale ee dalka ka jira, iyadoo raadineysa maslaxad, laakiin Puntland iyo Jubba waxay rabaan wixii la baray oo Sed bursi ah” ayuu yiri Indha-cadde.
Wuxuu intaas ku daray inay dhacay in Ra’iisal wasaarihii Qaranka oo ku sugan Garowe uu C/weli Gaas ka dhaqaaqay una duulay dalka Kenya. “Taas miyaan aheyn in la baray wax aan la barin Maamulada kale?”ayuu is weydiiyay Indhacadde oo dhinaca kale khashifay in sababta ay Puntland uga maqneyd Shirkii New Deal ee Muqdisho lagu soo afjaray ay ahayd inay diidan tahay dhismah Maamulka Galmuudg.
Yuusuf Indha-cadde oo warbaahinta Muqddisho la hadlay ayaa sheegay inay suuragal ahayn in Maamul dad dhisteen loo dumiyo rabitaanka Maamul kale.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]