Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in Teesaraha (kaarka aqoonsiga) ee maamulkiisu ku soo rogay dadka Muqdisho uu yahay mid sharci ah.
Wuxuu ka jawaabay eedeyn ka soo yeertay hanti dhowrka guud ee Qaranka oo dheegay in Kaarka ay soo rogeen maamulka Gobolka uu sharci darro yahay. [Akhri Warkan]
Yuusuf Jimcaale oo wareysi siiyay mid ka mida idaacadaha Muqdisho ayaau sheegay in sharciga uusan ahayn wax qof meel ugu xiran oo keligiis sharci ka dhigi kara wixii uu doono, isagoo ku adkeystay in Kaarka baahi loo qabo oo ay buuxin doonaan baahidaasi.
DHAGEYSO DUQA MUQDISHO
Goobjooge.com