Monday, July 14, 2025

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalka Gaalkacyo, baaqna u jeedisay C/weli Gaas & C/kariin Guuleed

Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in maamulada Puntland iyo Galmudug in ay si degdeg ah u joojiyaan colaadda u dhaxeysa, waxa uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xuntay colaaddaasi, isla markaana ugu baaqday dhinacyadaasi in ay u turaan dadka maatida ah ee deegaanka ku dhaqan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa sheegay in Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug dowladdu u jeedineyso inay isugu yimaadaan miiska wadahadalka, wax walbana lagu dhameeyo qaab siyaasadeed oo aan ka gudbeyn sharciga dalka u yaalla.

Wasiirka Arrimaha Gudaha isaga oo ku hadlaya magaca guud ahaan xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxa  uu tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay dagaalladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, isagoo ku adkeeyey in ay u hoggaansamaan baaqa nabadda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON