Wednesday, June 25, 2025

Maamulada Puntland & Galmudug oo ciidamo badan geeyay Magaalada Gaalkacyo iyo xiisad cusub

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in heshiis laga dhex waday labada maamul ee Puntland iyo Galmudug aanu cago badan ku taagneyn iyadoo ganacsato iyo odayaal ay ku dhex jiraan oo labada maamul aanay ogoleyn inay si toos ah u wadahadlaan.

Xaalada Magaalada ayaa mar kale  laga dareemayo xiisad colaadeed markii la arkay ciidamo fara badan oo  maamulada Puntland iyo Galmudug  ku soo daabuleen magaalada. Ciidamada Labada Dhinac ay is hor fadhiya, taasoo dadka magaalada gelisay cabsi keentay in qax balaaran ka bilowdo Gaalkacyo.

Odayaal iyo Ganacsato ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug  oo shalay ku dhawaaqay xabad joojin ayaa culeys kala kulmaya labada maamul, waxaana la sheegay in Puntland ay ku adkeysatay dhismaha wadada dagaalku ka dhashay.

Waxaa muuqata in  labada maamul ee dagaalku u dhaxeeyo aanay dooneyn wadahadal toos u dhex mara, siiba Puntland oo aan aqoonsanayn maamulka  Galmudug, taasoo xaalada uga sii dartay dagaalkana u bedeli karta mid weji kale yeesha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON