Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku adkeystay inuu sii wadayo dhismaha jidka dhex maraya magaalada Gaalkacyo ee xaafadda Garsoor wax kasta oo ay ku qaadato, isagoo ka biyo diiday codsiyo uga yimid madax fara badan oo kala duwan.
Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya madaxda dowladda Federaalka ay xiriir kala sameeyeen C/weli Gaas xaaladda colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo iyagoo ka codsaday in xaaladda la qaboojiyo, ciidamada is hor fadhiya la kala qaado isla markaana la joojiyo ciidamada lagu daadgureyneynayo magaalada Gaalkacyo,. laakiin madaxweynaha Puntland ayaa ku gacan seyray codsiyadaasi isagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka danbeyso colaadda Gaalkacyo.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo arrintan khadka telefoonka kula xiriiray C/weli Gaas ayaan helin wax tanaasul ah, taasoo dhalisay inuu isagu laftiisa u duulo Gaalkacyo si uu xaaladda wax uga qabto culeys-na u saaro maamulka Puntalnd.
Dhibaatada ugu weyn xaaladda sii cakireysa ayaa ah in Puntland aysan ogoleyn wax xiriir ama wadahadal ah oo la gasho maamulka Galmudug iyo inay dooneyso si awood ah inay ku hirgeliso jidka dagaalka ka dhaliyay labada dhinac.
Goobjooge.com