Golaha wasiirrada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug una dhaxeysa maamulada Galmudug iyo Puntland.
Kulanka waxaa shir gudoominayay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte ayaa warbixin ku saabsan amniga dalka looga dhageystay wasiirka amniga, Waxaana golaha wasiirada kas oo baxay baaq ku saabsan magaalada Gaalkacyo iyagoo maamulada Puntland iyo Galmudug ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan oo wadahadal ku dhameeyeen xaalada magaalada Gaalkacyo.
DHAGEYSO AFHAYEENKA XUKUUMADDA
Goobjooge.com