Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay sidii loo afjari lahaa xal warana laha gaaro xiisada colaadeed ee magaalada Gaalkacyo, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay wadahadal uu magaalada Cadaado kula yeeshay maamulka Galmudug iyo madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.
Cumar C/rashiid wuxuu caddeeyay inuu ku adkeeyay madaxweynaha Galmudug in qeyb laga qaato sidii dadkii ka barakacay Gaalkacyo lagu soo celiyo, isla markaana ay ku qanacsan yihiin wixii ay kala kulmeen Galmudug isla markaana uu madaxweynaha Puntland ku adkeysan doono isla arrintan kadibna uu magaalada Gaalkacyo u tegi doono sidii heshiis waara loo dhaqan gelin lahaa.
DHAGEYSO CODKA RA’IISAL WASAARAHA
Goobjooge.com