Thursday, June 26, 2025

Ra’iisal wasaraha Somaliya oo C/weli Gaas & C/kariin Guuleed ugu baaqay inay noqdaan sidii Ceydiid iyo C/llaahi Yuusuf

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ka degay galabta magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, iyadoo ay soo dhoweeyeen Madaxweynaha Puntlad Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi.

Waxaa sidoo kale iyana kaqayb qaatay Soodhoweynta Weftiga Ra’iisul-wasaare Cumar Cabdirashii Sharma’arke Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale, Soodhoweynta Waftiga kadib waxaa loosoo gelbiyey Aqalka Madaxtooya Puntland ee Garoowe halkaas oo Madaxweyne Gaas iyo RW Sharma’arke  ay war-fidiyeenada kula hadleen.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay booqashada Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka  salka kuhayso sidii xal-waara loogu helilahaa shaqaaqooyinkii dhowaan kadhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaqada meesha kadhacday ay salka kuhayso Jid 130mitir ah oo kamid ah dhulka Puntland oo furitaankiisa looga gol lahaa horumarka magaalada taasina aanay ahayn wax la shido laga dhigo.

Ra’iisul-wasaare Sharma’ake ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Shacabkiisaba sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen waxaanu  intaa raaciyey in ay u yimaadeen oo keliya sidii xalwaara looga gaari lahaa shaqaaqada kadhacday Magaalada Gaalkacyo iyo sidii xasilooni waarta loogu heli lahaa dadka walaalaha ah ee wada dega Gobolka obolka Mudug.

Cumar C/rashiid ayaa intaas ku daray in nabadda lagu degan yahay Gaalkacyo ay dhaliyeen Gen. Ceydiid iyo C/llaahi Yuusuf  nabadaadina muddo 20 sano ka badan lagu wada degan yahay, taas oo kalena looga baahan yahay inay madaxda maanta jirta ku dhaqaaqaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON