Wednesday, June 25, 2025

C/kariin Guuleed: “Puntland waxaa nooga yimid weerar iyo xushmad darro ay kula dhaqantay Ra’iisal wasaaraha”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Cadaado, waxa uu uga hadlay dagaallada dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo, isaga oo sheegay in ay ciidamada Puntiland saakay aroornimadii duullaan ku soo qaadeen fariismo ay ciidamada Galmudug ku sugnaayeen.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in uu aad uga xunyahay waxa dhacay, uuna ku baaqayo in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka. Madaxweyne C/kariin ayaa sidoo kale sheegay in Galmudug ay horay ugu hoggaansantay, una dhaqangalisay dhankeeda qodobbadii ay odayaashu soo bandhigeen oo kala ahaa:
1) Xabbad-joojin
2) Ku-celinta ciidamada barahoodii hore iyo
3) Ka wada hadlidda wixii keenay dagaalka

Waxaase nasiib darro ah in Puntiland ay ku gacan seyrtay dadaalladii ay duqeydu wadeen, waanwaantii nabadeedna ay ku baddashay guluf colaadeed.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kulankii ay shalay magaalada Cadaado ku yeesheen isaga iyo Ra’iisalwasaare Cumar C/rashiid ay isku afgarteen in la dajiyo xiisadda taagan, isla markaaana ay Galmudug aqbashay in si shuruud la’aan loo kala qaado ciidamada is hor fadhiya, islamar-ahaantaana miiska wadahadalka la isugu yimaado.

Madaxweynuhu wuxuu intaa ku daray in qorshuhu uu ahaa in Ra’iisal wasaaraha uu maamulka Garoowe ku soo qanciyo qodobadii ay isku afgarteen isaga iyo Ra’iisal wasaaraha, magaalada Gaalkacya-na la dhigo gogol wada xaajood oo looga arrinsanayo dhibka dhacay balse aysan taa dhicin oo Galmudug ay saakay ka war heshay duullaan qaawan oo Puntland ay ku soo qaaday iyo R/wasaarihii oo dib Muqdisho ugu laabtay. Madaxweynaha ayaa wax lalayaabo ku tilmaamay sida xushmo darrada ah ee Puntland ay ula dhaqantay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Madaxwynaha ayaa ugu danbeyntii ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda ka aloolsan Gaalkacyo, kana codsaday dawladda federaalka iyo bulshada caalmkaba in ay qaataan dawrkooda ku aaddan nabadeynta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON