Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi la socda oo xalay ku hoyday magaalada Gaalkacyo saakana u gudbay magaaladaa Gaalkacyo dhinaceeda Koonfureed ayaa kulamo kula yeeshay halkaasi madaxda Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya in madaxda maamulka Galmudug ee ku sugan Gaalkacyo oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha ay wafdiga dowladda kala hadleen xaaladda colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo iyadoo u caddeeyay mowqifkooda dagaalada magaalada ka dhacay oo ay ku eedeeyeen inay ka danbeysay Puntland.
Wafdiga dowladda oo Ra’iisal wasaaraha u xil saaray arrintan ayaa Galmudug kala hadlaya xabad joojin iyo inaysan ciidamadooda dhinacna u dhaqaajin inta dhinaca kale ay kala hadlayaan xaaladda, waxaana lagu wadaa inay galabta u gudbaan dhinaca kale.
Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa inuu dib ugu biiro wafdiga xukuumadda ee dadaalka nabadeed ka wada magaalada Gaalkacyo, kadib marka la isku afgarto xabada joojin.
Goobjooge.com