Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid iyo wafdigii la socday oo ay ka mid ahaayeen madaxweynaha Koonfur Galbeed C/kariin Xuseen Guuleed iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka ayaa kulan weyn magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Koonfureed kula qaatay Madaxweynaha Galmudug, waxaana kulanka oo saacado badan qaatay looga hadlay xaalada magaalada Gaalkacyo iyo hal u helista dagaaladii ka dhacay.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Sheegay in Ra’iisal wasaaraha Somalia uu Galmudug usoo bandhigay Afar Qodob oo Kala Ah:
- In Xabada La Joojiyo,
- Ciidamada Laga Qaado
- In dadkii Barakacay dib loosoo Celiyo
- iyo in la dhiso Guddi wadahadal
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ay ku wareejinayaan 6 Maxaabiis Puntland oo Ciidamada Galmudug ay ku qabteen Dagaalkii Gaalkacyo.
Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada