Friday, July 4, 2025

C/weli Gaas oo qaadacay wadahadal dhex mara isaga iyo C/kariin Guuleed

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo waanwaan nabadeed ay ka wadaan wafdi uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somaaliya C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas uu diiday wax kulan fool ka fool ah inuu dhex maro  ama uu hor fariisto Madaxweynaha Galmudug C/Kariin Guuleed.

C/weli oo shalay soo gaaray Gaalkacyo isagoo uu la socdo madaxweynaha Juba Axmed Madoobe ayaa u sheegay wafdiyada waanwaanta wada iyo Ra’iisal wasaaraha inaysan marnaba dhaceynin inuu la fariisto madaxweynaha Galmudug, basle uu ogol yahay dadaalka nabadeed iyo qodobada uu soo jeediyay Ra’iisal wasaaraha, isagoo sheegay in uu magacaabayo qof isaga u metesha oo la xaajoota dhinaca Galmudug.

C/weli Gaas ayaa cabsi ka qaba kulan toos ah oo dhex maray isaga iyo dhigiisa Galmudug inuu keen oqoonsi isagoo aamisan in maamulka Galmudug uu yahay mid sharci darro ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON